DHACDOOYINKII LAGA DIIWAAN GELIYEY MADAXWEYNE SACIID CABDULLAAHI DENI

MADAXWEYNE SACIID ABDULLAHI DENI MA DICTATOR BAA MISE WAA DAMIIN SIYAASADEED.

DENI MA DICTATOR BAA MISE DAMIIN SIYAASADEED
==============================================
afeef ujeedadu maahan beegsasho shakhsi ah ee waa bayaanin iyo wax toosin

H.E Said Abdullahi Deni  waxaa loo doortay xilka madaxweynaha puntland 8-dii janaury 2019-kii 
markaas oo uu ka guuleystay Dhowr musharax oo uu ugu cod roonaa Asad diyaano.

Deni wuxuu badalay cabdiwali gaas oo xukunkiisii eedo badan ay hareeyeen lknse laga filaayey isaga inuu waxbadan ka qaban doono.shacbweynaha reer puntland-na uu ka dhex dhali doono 
isku soo dhawaansho.

Deni Bilowgii hore ee dowlad dhiskiisaba wuxuu umuuqday nin aan siyaasad ahaan ahaan bisleyn oo aan la dhaliili karin ,eedaha loosoo jeediyana aan si cilmiyeysan iskaga difaaci karin 
isagoo xaadiray midkamid ah kalfadhiyadii ugu horeeyey oo ay yeesheen baarlamaanka puntland markaas oo xildhibaan Kulanka joogay uu Deni ku eedeeyey in rajadii puntland sii wiiqmeyso oo xaalku sidii horeba ka daranyahay

lkn madaxweyne Deni caro iyo xanaaq ayuu kala duldhacay xildhibaankii kalfadhigii oo wali xirmina waa ka istaagay .isagoo weliba meesha ka jeediyey hadal lagu tilmaami karay inuu ahaa hanjabaad iyo diidida ka ra,yi duwnaashaha.(personal opinion).
Qof waliba wuxuu qiyaasi karay siyaasada qalafsan ee uu sanadaha uharay maamul goboleedka puntland kusii hugaamin doono.


Madaxweyne Saciid Deni waxay mar kale is qoomeen Gudoomiyihii baarlamaanka wuxuuna u adeegsaday Awood ciidan isagoo ku duulay xarunta hooyga baarlamaanka halkaas oo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh .
markale Shacabka reer puntland waxay ogaadeen una cadaatay in saciid Deni xalka uyaqaan Xoog iyo ku xadgudubka sharciga .

intii uu madaxweynaha ka haa puntland wuxuu sameeyey kutagrifal Awoodeed ,kaligiitalisnimo siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho .
wuxuu saxaafada u arkay mid dhaaftay xeyndaabkii loogu talagalay oo ahaa in waxyaabaha qaar aysan ka hadlin oo runta ka shifaaya sida heshiisyadii lala galay DP_WORLD Tabinta banaan baxyada looga soo horjeedo iyo kuwo kale .
waxaa in mudo ah u xirnaa wariyaal ay kamid yihiin Kilwo aadan faaarax iWM.

wuxuu Dagaal tooe ah ku qaaday magaalo ganacsiyeedka boosaaso oo ah Goob istaraatiiji ah oo dhaqaalaha puntland udub dhaxaad u ah .
magaaladii waxay isku badashay burbur iyo barakac aan xad laheyn.
iyadoo dad badanina ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen .


Madaxweyne sacoid deni wuxuu qabtay doorashadii ugu musuqmaasuqa badneyd intii ay socotay Doorashadii xildhibaanada JFS ee baarlamaanka labada aqal .
waxaa laga diiwaan geliyey in Beel kursigeeda ay beel kale udooratay .sidoo kale wuxuu dhamaanba xildhibaanadii Ka aragti duwnaa ugu itaal sheegtay iskuna taxalujiyey sidii ay kusoo weyn lahaayeen kuraastii ay mudada badan ku fadhiyeen.

"soomaalidu Ninkii Ay Ariga kala quusato ayey Geela udirsataahe ) saciid Deni waxaa qaaday damac ah inuu isku soo taago xilka mdaxweynimada soomaaliya 
isagoo sidaan si lamaid ah sanadkii 2017-dii Ahaa musharax hadana aan codad badan helin .

shalay wuxuu ka soo dagay garoon aaden cadde waxaa loo soo dhaweeyey si heer sareysa 
lkn su,aasha meesha ku jirtaa waxay tahay shacabka reer muqdishu waxay malaga yaabaa iney markale ku hungoobaan In Rajadoodii ahayd iney taageeraan siyaasi dalka samata bixin kara kana gudbin kara isgoyska siyaasadeed ee uu dalku maanta taaganyahay?

F.G Saciid Deni lama diidana inuu Wax la dhisay Nabadeynta iyo isdhexgalka bulshada reer Gaalkacyo iyo sidoo kale hormarinta qaar kamid wadooyinka waaweyn ee mara meela badan oo puntland somalia ka mid ah .

W/Q  Ali ahmed salad

Post a Comment

0 Comments